Faah faahin Qaraxyo Caawa ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa Caawa degmada Waaberi ka dhacay 2 Qarax kuwaas oo la galiyay meel Qashin uu yaalay.

Inta la xaqiijiyay 1 Qof ayaa ku dhaawacmay Qarxyada Caawa ka dhacay meel ku dhow saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi, ayaa sheegay in Qaraxyada lagu dhex qariyay goob uu yaalay Qashin.

Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska gobalka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi ayaa intaa ku daray in Qaraxyada uu hal qof dhaawac fudud ka soo gaaray, islamarkaana aysan jirin wax kale oo qaasaare ah oo ka dhashay Qaraxyadaasi.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Waaberi ayaa waxa ay gaareen goobta ay Qaraxyada ka dhaceen, iyagoo halkaasi ka wada baaritano ku aadan sida ay wax udhaceen.