DAAWO:- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo booqday xeryaha ciidanka Jubbaland

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo halkaasi kulamo kula qaadanaya Madaxda maamulka Jubbaland.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ka socday ee magaalada Kismaayo kulamada kula qaadanaya Madaxda maamulka Jubbaland waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Taliyaha NISA iyo Xildhibaano, waxaana ay maanta booqasho ku tageen xarumaha ciidanka xoogga dalka ee maaalada Kismaayo halkaas oo ay ciidamadu kula hadleen.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland u sheegay in ay isku diyaariyaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo ka bilaaban doona gobolka Jubbada Hoose.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

A1 A6 A5 A4 A3 A2 A7 A8 A9 A10 A11