Banaanbaxyo weli ka socdo Dalka Mareykanka

0

Magaallooyin ka tirsan dalkan Maraykanka waxaa ka dhacaya Banaanbaxyo looga soo horjeedo tacadiyada booliska ee dadka Madow.

Dhinaca kale, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo madxaweynihii hore George ?Bush ayaa maanta oo Salaasa ah tagaya magaalada Dallas ee gobolka Texas, halkaasi oo xus looogu samaynayo shan askarta booliska ka tirsanaa oo nin madow uu halkaasi ku dilay.

Madaxweyne Obama ayaa la filayaa inuu ka hadlo dilkii askarta, waxaana la filayaa inuu isku soo dhaweeyo dadyowga Maraykanka oo qaarkood kala qeybsan.