XOG :- C/wali Gaas oo qabiilada Waaweyn ee Puntland kala Kulmay Wax uusan Fileyn Xubnaha Aqalka Sare!!

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli waxaa buuq iyo isfaham ka taagan qaabka Gaas uu u qeybin lahaa xubnaha aqalka sare kana soo aaday qabiilada puntland dega iyadoo markiiba beelo fara badan ay diideyn qorshe c/weli gaas xubnahaasi uu ku qeybin rabay.

Madaxweyne Gaas ayaa doonaya in hab qabileed beelaha Puntland loogu qeybiyay Xubnaha Aqalka Sare,balse waxa diiidn beelo qaar oo aan xubin ka helin Xubnaha baarlamaanka Federaalka Somaliya

Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa qaba in hab gobol lagu qeybiyaa dhamaan xubnaha aqalka sare u matalaya Puntland, laakiin waxaa diiday beelo qaar oo daga gobolka Mudug.

Beelaha Mudug ayaa qaarkood qaba in xubnahaasi la siiyaa beelaha kale ee waligood ka qadi jiray xubinimada baarlamaanka Soomaaliya, wallow madaxweyne Gaas uusan la dhacsaneyn arintaasi.

Waxaa wali magaalada Gaalkacyo ka socdo kulamo kala duwan oo arimahaasi looga arinsanayo, iyadoo madaxweyne Gaas uu xujooyin Adag kala kulmayo beelaha gobolka Mudug.

Culeeska kale ee saran madaxweyne Gaas ayaa ah in beelaha ay doonayaan in la da dajiyo dhismaha golaha deegaanka oo culees uu ka taagan yahay qaabka loosoo dhisayo.