TOP+SAWIRRO:- Madaxweyne Cabdi Kariin Guuleed oo Nairobi kula kulmay Siyaasiyiin ka soo Jeeda deegaanada Galmudug

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee xarunt dalka Kenya kula kulmay siyaasiyiinta kaso jeeda deegaanada Galmudug kuwaasi ay kujiraan labo musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha Somaliya.

Inta uu socday kulanka ayaa looga hadlay sidii loo taageeri lahaa musharixiinta Galmudug kasoo jeeda ee u loo lami doona qabashada xilka madaxweynaha Somaliya.

Madasha kulanka ay sidoo kale ku sugnaayeen xubno katirsan jaaliyada Galmudug ee wadanka Kenya ayaa diirada lagu saaray wadahadalka sidii loo taageeri lahaa dowlad goboleedka Galmudug maadaama maamulkan curdanka ah ay horyaalan caqabado badan oo ay qeyb kayihiin dhaqaalo yari baahsan.

Labada musharax ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in maamulka Galmudug iyo bulshada ay ka doonayaan in la garab istaago maadaama ay galayaan loolan culus.

Cabdi kariin Xuseen Guuleed madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeyn madasha ka sheegay in maamulkiisa uu u baahan yahay taageero dhan kasta ah dhankooda ay ka shaqeyn doonaan hormarinta deegaanka islamarkaana ay garab istaagayan musharixiinta kasoo jeeda Galmudug ee u socda qabshada xilka madaxweynaha Somaliya.

1 2 3 4 5