TOP+DHAGEYSO:- Ciidamo gaar ah oo ka Hortaga Maraakiibta Sharci darada oo la geynayo Xeebta Hobyo

0

Maamulka Degmada Hobyo ee Gobolka mudug ayaa ka hadley Maraakiibta shisheeye ee jariifka ku haya xeebaha Degmadaasi.

Guddomiyaha Degamada hobyo c/laahi Faat ayaa Sheegey in jariifka sharci Darada ee xeebta hobyo ay kala siman yihiin degaanada xeebaha Dhaca ee soomaliya ,waxaa uuna Xusay in kaaluumaysiga sharci darada uu dhibaato fara badan ku hayo degmada hobyo iyo degaanada hoos yimaada,isaga oo sido  kalena Shegay in loobahan yahay ka hortag lagu sameeyo kalluumaysiga Sharci daraa taana ay ku imaan karto in la dhiso ciidamada ilaalada badda.

Guddomiye Faat ayaa Carababey in dhibaato ba,an ay ku hayaan Maraakiibta sida sharci daradaa uga kallumaysta xeebta degmada hobyo kallumaysatada yar yar ee magaalo xeebeedka hobyo.

Guddomiyaha ayaa Sidoo kale sheegey inay Qorsheynayaan olale looga hortagayo kallumaysiga sharci daradaa kaa oo loogu Magac daray ka hortaga jariifka maraakiibta shisheeyey kaas oo ay iska kaashanayaan wasaarada Gadiidka badda iyo Maamulka hobyo  Waxana Xeebaha la Geyn Dona Ciidamo gaar ah oo amaanka Xeebaha Suga

Ugu dambeyntii Guddomiye C/llaahi Faat ayaa Baaq u direy dadka reer Galmudug inay ka qeyb qaataan horumarka ka soconaya magaalo xeebeedka hobyo isagaana si gaar ganacsada iyo haweenka  carabka ugu adkeeyey.

HALKAAN KA DHAGEYSO