DAAWO MUUQAAL:- Dr Cali Xaaji Warsame oo ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa Madaxweyne-nimada Soomaaliya

0

Dr Cali Xaaji Warsame ayaa kaga dhawaaqay dalka Zambia in uu yahay musharax u taagan Madaxweyne-nimada Soomaaliya, isagoo horey u soo noqday Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta sare ee Puntland, wuxuuna wax badan ka soo qabtay deegaanada Puntland.

Dr Cali Xaaji Warsame ayaa hadda booqasho ku jooga dalka Zaambiya wuxuuna la kulmay Waxgaradka, Ganacsatada iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas, isagoo kala hadlay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo sidii ay kaalin muuqata uga gyesan lahaayeen Isbedel Siyaasadeed oo ka dhaca Soomaaliya.

Dr Cali wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya ay xiligan marayso, si gaar ah usoo qaaday sida looga guuldareystay in wax laga qabto arrimo badan oo ay ahayd in la hirgaliyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Musharax Cali Xaaji wuxuu kaloo cadeeyey in ay lagama maarmaan tahay in uu yimaado Isbedel mug weyn oo la yimaada tub-toosan oo wax looga qabanayo Soomaaliya, dib dhiskeedana gacan weyn ka geysan doona.

Waxgaradkii, Ganacsatadii iyo qeybaha bulshada ee ka hadlay madasha ayaa soo dhaweeyey musharaxnimada Dr Cali Xaaji Warsame, waxayna si cad u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin taageeri doonaan Isbedel in uu yimaado, iyagoo xusey in ay rajo wanaagsan ka qabaan in uu Dr Cali wax badan ka qaban doono xaaladda Soomaaliya ay maanta kusugan tahay.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=NSrG-zjNv3I