Wafdi ka socda IGAD oo maanta ku wajahan Magaalada Baladweyne

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD ay tagayaan Magaaladaasi Baledweyne.

Wafdiga ayaa Baledweyne u tagaya sidii loo dardar galin lahaa Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Qaar kamid ah Beelaha Dega Gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee Gogoshiisu ay taalo Magaalada Jowhar.

Wafdiga IGAD ee Baledweyne ku wajahan ayaa la filayaa in ay Xal ka gaaraan Arrinta Maamulka loogu sameynayo Labada Gobol.