Haweeney haysata dhalashadda Britan, kuna biirtay Kooxda Daacish oo la dilay

0

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Rowaan Kamaal Zaynal-caabidiin, kana soo jeedo asal ahaan dalka Sudan ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn isbuucii hore ka dhacday dalka Iraq.

Duqeyntaasi waxaa ka badbaaaday Ninkeeda iyo gabar yar oo ay dhaleen.

Haweeneydaasi oo baratay Cilmiga Daawadda, waxay Kooxda Daacish ku biirtay sannadkii hore.

Warbaahinadda dalka Sudan ayaa ka soo xigtay Qoyskeeda oo ku nool dalka Sudan in Rowaan Kamaal Zaynal-caabidiin oo 22-jir ahayd lagu dilay duqeyn Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday dalka Iraq.

Haweeneydaasi oo Kooxda Daacish ugu qaabilsanayd Qorista Dagaalyahannadda Shisheeyaha ayaan la ogeyn halka lagu dilay, inkastoo la tuhunsan yahay in lagu dilay magaalladda Mosal.

Wargeyska The Sudan Tribune ayaa qoray in ay Rowaan Kamaal Zaynal-caabidiin ka hor intaysan tegin dalka Britain inay ka baxday Jamaacadda Cilmiga Daawadda iyo Teknoolajiyadda (The University of Medical Sciences and Technology) oo ku taalla caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Qoyska Rowaan Kamaal Zaynal-caabidiin oo deggan Degmadda Al-sajana ee dalka Sudan  inay Tacsi u dhigeen geerideeda, iyadoo ay dad badan u soo tacsideeyeen Qoyskeeda.

Dhinaca kale, Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain weli ma xaqiijinin geerida Rowaan Kamaal Zaynal-caabidiin, oo haddii la xaqiijiyo noqon doonta Haweeneydii ugu horreysay ee haysata Dhalashadda British-ka oo lagu dilo duqeyn lala beegsaday Kooxda Daacish-ka ku sugan gudaha dalka Iraq.