Golaha Ammaanka oo diiday Codsi kaga yimid Dowlada Kenya

0

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa diiday codsigii kasoo yeeray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaasoo ahaa in Qaramada Midoobay ay la wareegto masuuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxweynaha Kenya Kenyatta oo 15 -kii june kulan gaar ah Magaalada Brussels kula qaatay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban KI Moon, ayaa u soo jeediyay inay Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa la wareegto hawl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Qaraar ay meel mariyeen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayay isku raaceen in xaaladda Soomaaliya ee haatan aysan ku haboonayn in ciidamo Qaramada Midoobay ka socda la geeyo Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa amar ku siiyay AMISOM inay sii wadaan howlgalkooda Soomaaliya ilaa bisha may ee sanadka soo socda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban KI-Moon ayaa  ballanqaaday inay qiimayn  ku sameyndoonaan xaaladda olalaha Amisom ee ka dhanka ah Alshabaab.