DHAGEYSO:- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ku baaqay in Muqdisho laga Mamnuuco Mooto Bajaajka

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu qabo in Magaalada Muqdisho laga Mamnuuco Mootooyinka loo yaqaan Bajaajka ee sanadihii dambe ku soo badanayay Magaalada Muqdisho qeybna ka qaatay hormarka Muqdisho iyo Shaqo Abuur ay ka heleen Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Wasiir Maareeye ayaa intaa ku daray in Mootooyinkaasi ay wax u dhimayaan Bilicda Magaalada Muqdisho,balse loo baahan yahay si aysan wax ugu dhimin Bilicda in loo Cayimo Meelo gaar ah.

hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa ka soo horjeestay Wadeyaasha Mooto Bajaajka iyo qaar ka mid ah Shacabka Raaca Mootooyinkasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-