DHAGEYSO:- Kenya oo laga dalbaday suggida amniga gobolka Waqooyi Bari

0

Mucaaradka dalka Kenya ayaa dalbatay in wax laga qabto amni darada gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya .

Waxa ay sheegeen in weerarada dhabalka ah ay kordhiyeen Al-Shabaab sidaas darteedna looga baahanyahay dowladda Kenya in ay qaado tilaabo lagu xakamayn karo weeraradaasi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ah ee dalka Kenya oo siyaabo kala duwan u la hadlay warbaahinta dalka Kenya ayaa shacabka kunool gobolka Waqooyi bari ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka madaam ay amni daro baahsan ka jirto gobolkaasi.

Xildhibaanada ka tirsan dalka Kenya ayaa si kulul uga hadlay weerarada joogtada ah ee ay Al-Shabaab ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya,waxayna sheegeen in dadka kunool deegaanadaasi looga baahanyahay in ay kusoo wargeliyaan ciidanka ammaanka hadii ay arkaan xubno ka tirsan Al-Shabaab.

xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira baarlamaanka dowladda Kenya ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Diif oo hub looga furtay ciidanka Kenya in ay tahay habacsanaa dhanka amniga ah oo ka jirta gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro dhaba galka ah ku qaaday ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan degmada Mandheera ee dalka .

Hoos ka Dhageyso Codka:-