DHAGEYSO:- Ciidanka dowladda oo looga digay in ay jirdil ugeystaan shacabka

0

Gaashaanle Cabdi Maxamed Dire oo ka mid ah xubnaha ciidanka Militariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Baay ayaa ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Baay ku amray in aysan dhibaatooyin ugeysan shacabka ku sugan deegaanadaasi.

Gaashaanle Cabdi Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay wada shaqeyn dhexmarto ciidamada iyo shacabka, si ay u yaraato dhibaatoyinka la sheegay in mararka qaar loo geysto dadka shacabk ah.

Cabdi Maxamed Dire Gaashaanle ayaa sidoo kale waxa uu ciidamada xoogga kaga digay in aan dhibaato loo geysan shacabka, sidoo kalena dadka aan lagu abuurin cabsi.

Inta badan waxaa dhacda in ciidamada xoogga dalka ay jirdil iyo dhibaatooyin ay ugeystaan dadka shacabka ah, inkastoo saraakiisha dowladda Soomaaliya ay sheegeen in arimahaasi wax badan laga qabtay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-