DEG DEG:- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Xabsiga loo taxaabay

0

Korneyl Maxamed Jimcaale Cosoble oo sheegtay inuu yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo been abuur ah iyo Korneyl Yuusuf oo Been abuurkaasi la sameeyay ayaa loo taxaabay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay Xariga Labada Korneyl,kuwaas oo Ciidamada Booliska ay Xabsiga dhigeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya Korneyl Maxamed Jimcaale Cosoble iyo Korneyl  Yuusuf lagu Eedeeyay in Qal qal amni ay dalka galin rabeen islamarkaana Korneyl Maxamed Jimcaale uu sheegtay inuu yahay Taliyaha Booliska Soomaaliya oo been abuur ah.

Taliska Booliska Soomaaliya weli war kama soo saarin Xariga Labada Kornel ee Xabsiga loo taxaabay.