DEG DEG:- Ciidamo uu wato Wasiirka Amniga Jubbaland oo la wareegay Magaalada Baled-xaawo

0

Ciidamo uu wato Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur ”Janan”ayaa la wareegay Gacan ku haynta Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana ay Hub ka dhigis ku sameeyeen Maleeshiyaad ku sugnaa Magaalada.

Magaalada Baled-xaawo oo uu ka jiro Maamul Taabacsan Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in Maleeshiyaad Magaalada jooga ay dhibaato ku hayaan Bulshada ku nool Magaalada.

Sababta Wasiirka Amniga Jubbaland  C/rashiid Xasan Cabdinuur ”Janan” uu Magaalada u tagay islamarkaana Hub ka dhigista ugu sameeyay Maleeshiyada ayaa ah in la soo celiyo Nabad galyadii Magaalada si dadka ay u nastaan.