DAAWO:- Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka wada hadlay Arrimo Xasaasi ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhambaal qoraal ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Dhambaalka oo ku saabsanaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ayaa waxaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay Ambassador James Baba oo ah ergey gaar ah oo ka socday Madaxweyne Museveni.

Madaxweynaha iyo ergeyga ayaa ka wadahadley arrimaha dib u dhiska ciidammada Soomaaliya, doorashooyinka ka dhacaya dalka sannadkan iyo dhinacyada kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ergeyga ka codsadey inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Madaxweyne Yoweri K. Museveni iyo shacabka Uganda sida ay mar walba u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 3

2