Al-Shabaab oo weerar kale ka geystay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

0

Wararka ay qorayaan Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaya in Xubno loo maleynaayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah, sida uu qoray Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya.

Weerarkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Deeganada Fino iyo Sheikh Barow ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya xalay fiidkii.

Dadka deegaanka ayaa sheegay gaarigaan oo ahaa mid yar oo ay saarnaayeen Lix ruux in lagu rasaaseeyay aaga deegaanada u dhaxeeya Fino iyo Sheikh Barow.

Gaarigan ayaa ku sii jeeday deegaanka Lafey ee Gobolka Waqooyi Bari, waxaana laga cabsi qabaa hal ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Baabuurkaasi inuu ku geeriyooday rasaasta Shabaabka ay ku fureen gaarigaasi.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay inay muujinayso walaac ku aadan dhanka ammaanka ee Gobolka Waqooyi Bari, maadaama ay sii kordhayaan weerarada Shabaabka ay ka geysanayaan halkaasi.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli Isbitaalka Ceel Waaq la dhigay 21 ruux oo sida la sheegay ay jirdileen ciidamada Millateriga Kenya, intii ay ku guda jireen howlgal ay ku raadinayeen Shabaab oo Habeenkii Jimcaha ciidamada ay sameeyeen.