TOP NEWS:- Barakac Xoogan oo ka bilowday Magaalada Marko

0

Barakac xoogan ayaa waxa ay ka bilowdeen Xaafadaha Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shacabka ayaa u barakacaya deegaanada kale ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana barakacani uu imaanaya kadib bandow lagu soo rogay Xaafadaha Magaaladaasi.

Bandowgaasi ayaa ka dambeeyay kadib Qaraxyo is xig xigay oo ruxayo qeybo ka mid ah Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ammaan ee Magaaladaasi Marka ayaa ka sii dareysay walow beryihii dambe ay Magaaladu ka soo yara kabsaneysay Dagaal beeleedyo hareeyay halkaasi.

Ma jiro wax war ah oo maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan Magaalada Marka intaba ka soo saareen Barakaca ka bilowday Magaalada.