Kuuriyada Woqooyi oo Gantaallo Cusub Tijaabisay

0

Xukumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal kuwa ridada fog ah oo ay ka riday Markab kuwa quusa ah, hase yeeshee gantaalkaa ayaa burburay wax yar ka dib markii la ganay.

Wakaaladda Wararka u faafisa Kuuriyada Koonfureed ee, Yonhap ayaa soo warineysa in matoorka dhaqaajinayay Gantaalkaa uu daarmay hase yeeshee uu soo dhacay gantaalka markii uu qiyaastii 10km hawada u kacay.

Tijaabo middan la mid aheyd ayey xukumadda Kuuriyada Waqooyi ku guul dareysatay bishii April ee horaantii sanadkan.

Wakaaladu waxey sheegtay in xukumadda Pyongyang ay ka dul gantay maanta oo Sabti ah gantaalkan Markab nooca biyaha hoostooda quusa ah oo laba kun oo ton uu culeyskiisu yahay, meel ku dhow magaalada Sinpo ee xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.