Faah Faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Taliska Booliiska oo ka hadlay

0

Taliyaha Boliiska Qeybta gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay qarax gaarigiisa loogu xeray Nabadoon ka mid ah Nabadoonada soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub.

Taliyaha ayaa sheegayy in Nabadoonka uu ka badbaaday Qaraxa, waxa uuna sheegay in nabadoonka lagu magacaabo Nabadoon Maxamed  Xasan Qalinle.

Taliyaha ayaa sheegay in Nabadoonka oo dagan degmada Waabari Gaarigiisa uu dhigtay banaanka Gurigiisa ka dibna Qarax loogu xiray, kaas oo markii danbe Qarxay iyadoo qofna aysan waxyeelo ka soo gaarin.

Taliyaha Boliiska Qeybta gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sidoo kale shacabka kula dardaarmay in ay feejignaadaan falalka amni daro ee mararka qaar dhaca magaalada Muqdisho.

Dhawaanahan magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.