Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Iska horimaad markale ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Magaalada Juba

0

Rasaas xoogan ayaa weli laga maqlaya nawaaxiga Madaxtooyada Magaalada Juba ee Xarunta Wadanka Koonfurta Sudan, maalin ka dib markii shan askari lagu dilay Magaaladaasi.

Ciidan u daacad ah Madaxweyne Ku Xigeenka Koonfurta Sudan, Riek Machar ayaa la sheegay in Khamiistii ay rasaas oodda kaga qaadeen bar kontorool, oo ay ku sugnaayen ciidan taabacsan Madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, taasina ay sababtay dhimashada shanta askari.

Iska horimaad kale oo la rumeysan yahay in uu daba socdo dhacdadii hore ayaa waxa uu ka dhacay  agagaaraha Madaxtooyada Juba, inkastoo aan weli la soo sheegin wax khasaaro ihi oo ka dhashay.

Dhacdooyinkan waxay ku soo beegmayan, xilli Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisuba ay labaduba ku sugan yihiin Aqalka Madaxtooyada Juba.

Salva Kiir iyo Riek Machar oo wada hadalo ka yeeshay xiisadda ku soo korortay Magaalada Juba, ayaa ku heshiiyay in ay la hadlaan Saraakiisha Ciidamadooda, si aanay u soo noqon dhacdooyin lamid ah kuwii ugu dambeeyay.

Iska horimaadyadan waxay ku soo beegmayan, xilli Maanta ay ku beegan tahay sanad guuradii shanaad, ee ka soo wareegatay markii Koonfurta Sudan ay ka go’day Waqooyiga.

Juba