DHAGEYSO:- Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo hal Arrin ku eedeeyay Dowlada Soomaaliya

0

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin toos ku hayso soo xulista xilidhibaanada gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in soo xulista xilidhibaanada gobolka Hiiraan loogu baahanyahay waxgaradka beelaha dega Hiiraan sidaas darteedna aysan suurtagal aheyn in dowladda Soomaaliya ay faragelin ku sameyso.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay faraha kala baxaan arimaha qabaa’ilka gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-