DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay lacagtii ay ugu deeqday QM

0

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay lacagtii ay ugu deeqday Qaramada Midoobe ee loogu talagalay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka arimaha dibada dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku faraxsantahay lacagta loogu deeqay ayna u maamuli doono sidii loogu talagalay.

Wasiirka arimaha dibada ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan lacagtaan qeyb ka aheyn barnaamijkii New deal ama hiigsiga cusub laakiin ay dowladda Soomaaliya ,iyado degsatay qorsho lagu horumarinkaro dalka .

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaan ay kusoo dhaci doono bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ay Maamusho .

Dhanka kale Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Cali Ceynte, oo lahadlay Wakaaladda Wararka  ee SONNA ayaa soo dhaweeyey lacag gaareysa 2-milyan oo doolarka Mareykanka ah oo Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobay uu ugu deeqay dowlada Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa deeq lacag ah  loogu deeqay dowladda Soomaaliya.

Lacagtaan oo lagu qiyaasay 2 million oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa Qaramada Midoobe waxa ay sheegtay in loogu talagay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-