DAAAWO+TOP NEWS:- Odayaasha Beesha Wace Maxamed Yabadhaale Cayr oo cabasho ka muujiyay cadaalad dari ka dhex jirta Beesha Cayr dhexdeeda

0

Kulan ay isugu yimaadeen odayaal iyo waxgarad  ka soo jeeda Beesha Wace Maxamd (Yabadhole  Cayr ) ayaa waxaa ka qaybgalay  ugaaska beeshaasi Ugaas Axmed Cabdulle Cali.

U jeedadda kulankan oo si wanaagsan loo soo qaban qaabiyay ayaa ahayd cabasho la xiririta cadaalad daradda ka jirta beesha cayr dhexdeeda tas oo odayaashani ay dhaliileen habka wax qaybgisa dhaqan iyo siyaasadba .

Dadkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ceer dhaxdiisa uu iminka ka jir cadaalad dari aad u baahsan waxaana la soo jeediyay inay muhiim tahay in la soo gunaanado cadaalad daridaasi .

Ugaas Axmed Cabdulle Cali oo ah ugaaska Beesha Wace Maxamed (Yabadhoola Cayr)  oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in hubanti ay tahay cadaalad darida la sheegayo waxa uuna farta ku goday in taasi aanay u dulqaadanaynin .

Waxa uu ugu baaqay madaxwaynaha Dalka Xasan Sheikh Maxamuud , Raysul Wasaaraha Xukuumadda iyo Ergayga gaarka ah ee beesha caalamka Mecheal Keating iyagoo ugu yeeray inay arintan wax ka qabtaan .

Hab qaybsiga beesha cayr ayay sheegen inuusan ku salaysnayd cadaaladda , sida beelaha kale ee habargidir islamarkaasna aanu sida hadda wax u socdaan ahayn si wanaagsan .

Beesha yabadhaalo Cayr waxa ay u cadaynaysaa masuuliyiinta ay qusayso arintan inaysan Beeshan u dulqaadan doonin kana qayb qaadan doonin wax ka qaysiga ku salaysan habkaan cadaalad daradda ah ee u baahan in wax laga qabto , waxaana masuuliyad daridda ka dhalan karta arintay ay u taala inay wax ka qabtaan dowladda iyo beesha caalamka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Oday 6 Oday 8 Oday 7 Oday 5 oday 1 oday 2 Oday 3 Oday 4