Xildhibaan Maryan Cariif oo Arrimo Xasaasi ah ka hadashay

0

Iyadoo Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ay soo dhisidiisa ka harsantahay wax ka yar bil ayaa xiligan waxay haweenku walaac ka muujiyeen qaybta ay ka helayaan doorashada Soo socota sanadkan 2016.

Xildhibaan Maryan Cariif, oo kamid ah mudanyaasha Baarlamanka Soomaaliya ee xiligan jira ayaa walaac ka muujisay 30% la sheegay inay helayaan Haweenka,waxaana ay sheegtay taasi inay tahay mid afka laga yiri.

Maryan,ayaa sheegtay in 14 Xubnood oo qoodaadaasi gacanta lagu hayo in looga habaanyahaay haweenku inay ku gacan adaygaan oo kuraastaas ka ilaashadaan raga waxay raadiyaan iska daayey.

Xildhibaanada oo la hadashay VOA,da ayaa sheegtay inay wanaagsantahay inay haweenku ku gacan adaygaan 14 kursi ee ay haystaan xiligan.