WAR DEG DEG:- Magaalada Marka oo Bandow lagu soo rogay iyo Qaraxyo khasaare geystay oo dhacay

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhimatay, 10 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Qaraxyo is-xig-xigay gelinkii dambe ee Shalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Somaaliya kuwaasi oo ku sugnaa Xaafado ka tirsan Magaaladaasi.

Qaraxyadan oo ahaa dhamaantood bambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro ayaa Koox hubeysan waxey ku beegsadeen Xoogaga Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bandow saaray Magaalada Marka waxaana Shalay ilaa iyo Saaka hakad ku jira isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsigii ka jiray Magaaladaasi.

“Shalay ilaa iyo Saaka waxaaa Magaalada saaran bandhow, waxaana tagay Suuqa Magaalada mana jiraan wax ganacsi ah oo halkaasi ka jira” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Dadka Degaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle.

Qaraxyo iyo Weeraro kale oo dhabo gal ah ayaa inta badan Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose waxaa lagu beegsadaan Xoogaga Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.