TOP+DAAWO SAWIRRO:- Ciidamo katirsan AMISOM oo Muqdisho laga sagootiyay Laguna Celiyay Dalkoodii

0

Ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasocda dalka Burundi, ayaa laga sagootiyay magaalada Muqdisho , waxaana munaasabad kooban oo lagu qabtay Muqdisho ciidamadan lagu gudoonsiiyay Shahadaooyin.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, oo Munaasabadaasi ku sugnaa ayaa askartan dalkooda ku laabtay gudoonsiiyay shahaado sharaf.

Ciidamadan kasocday dalka Burundi ayaa dhameestay howgalkooda Soomaaliya waxa ayna dib ugu laabteen dalkooda, waxaana ciidamadan badalaya ciidamo cusub oo ka imaanaya dalka Burundi.

1 2 3 4 5 6