TOP DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo bilowday Tababaro qaabab Cusub oo Ciidamada Booliska kula dagaalamayaan Al-Shabaab

0

Wasiirka amniga dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in uu bilowday tababar caalami ah oo la siinayo ciidamada boliiska si ay u xaqiijiyaan guud ahaan amaanka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay tababarkan la siinayo boliiska in ay muhiim u tahay amniga dalka, si looga hortago falalka amin daro ee ururka Al-shabaab ay mararka qaar ka geystaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Wasiir C/risaaq ujeedka tababarkan loo siinayo ciidamada in uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Ciidamada boliiska Soomaaliya ayaa inta badan waxaa tababaro ay ku soo qaataan dalka dibadiisa iyo sidoo kale gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ay dowladda Soomaaliya wali ay wadaa ka hortaga weerarada iyo Qaraxyada Al-shabaab mararka qaar ay geystaan magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO