TOOS U DHAGEYSO:- Dowlada Maxaa kaga Qorsheysan Maalmaha soo socda Jalalaqsi iyo Buula-burde ?

0

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo dhowaan uu ka dilaacay ayaa waxaa la gaarsiiyay Deeq Dawo ah si loogu badbaadiyo dadka uu soo ritay cudurkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed C/nuur Madeer iyo Wasiiirka Amniga dowladda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa gaaray magaalada Beledweyne, waxaana Deeqdaasi Dawada ah ay ku wareejiyeen maamulka Isbitaalka magaalada Beledweyne.

Wasiirka Caafimaadka Maxamed Cabdinuur, oo deeqda dawada ah ku wareejiyay maamulaha Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa sheegay in deeqdan aysan aheyn tii ugu dambeysan ee ka timaada wasaaradda Caafimaadka ayna la shaqeynayaan maamulka gobalka Hiiraan.

Wasiirka Caafimaadka Maxamed Cabdinuuayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Deeqda Dawada ah ay gaarsiin doonaan dhowaan degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burde.

Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Beledweyne uu ku soo fatahay Wabiga Shabeele, kaas oo sababay in uu cudurka Shuban biyoodka ay udhintaan dad badan oo ku nool magaalada Beledweyne.

HALKAAN KA DHAGEYSO