DEG DEG+DHAGEYSO:- Deegaano Galmudug Ka Tirsan oo Dad Lagu Gowracay

0

In kabadan 500 oo qoys ayaa lagu soo waramayaa in ay ka qaxeen deegaanka Galcad oo ka tirsan Gobolka Galgaduud halkaasoo dhawaan ay isaga baxeen ciidamada Itoopiya iyo kuwa dowladda.

Galcad markii ciidamada ay isaga bexeen waxaa durba la wareegay Al Shabaab.

Dagaalka ay Al Shabab kula wareegeen deegaanadaasi ayaa waxaa uu dhacay dodobaadkaan, waxaana ku geeryooday askar badan oo labada dhinacaba isugu jira, sidoo kale, illo wareedyo ayaa noo xaqiijiyay in saraakiil iyo gudoomiyihii deegaanka Galcad ee gobalka galgaduud khadar maxumed cali ay ku geeryoodeen.

Intaasi kadib markii Al Shabab ay gudaha ugaleen deeganka waxaa la sheegay in halkaasi ku dileen ku dhowaad toban ruux oo uu ku jira Gudoomiyaha deegaanada Galcad Aabihiis, shaqaale ka shaqeeya is-gaarsiinta iyo nin daroowal ahaa.

Dad marqaatayaal ah ayaa sheegay in tobanka qof ee la dilay, Seddex kamid ah in la gowracay, waxaana labo mid ah ay ushaqeynayeen Shirkada Hormuud, halka Murxuumka kalena uu u shaqeynayay shirkada Nationlink, waxaana lagu kala magacaabayay, Geedi Maar, Cabdi unduroow.

Dadka deegaanka waxaa ay bilaabeen in ay isaga baxaan deeganka, waxaana lasoo sheegayaa in ay horay usii raaceen Ciidamada Dowladda iyo kuwo Itoopiya oo markii ay ka bexeen deegaanadkasi u jiheystay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah dadkii geediga ahaa ayaa Hobyomedia  u sheegay, in ay uga bexeen deegankasi cabsi ay ka qabaan Al Shabab, iyo in uu saameeyo isbedelka ku yimid deegaankooda.

Al Shabab ayaa isku balaariyay xaafadaha Deegaanka uu ka koobanyihiin waxaa la sheegay in ay sameysteen fariisimo cusub, taasoo dadka cabsi kale ku reebtay oo ah in ay ciidamada Itoopiyaanka ay soo rogaalceliyaan.

Goobaha waxbarashada ayaa la sheegayaa in aysan aheyn kuwa shaqeynaya, waxaana ardayda ay hihiin kuwo guryahooda jooga.

Dowlada Galmudug iyo Dowlada dhexe ee Somalia ayaan wali ka hadlin waxa keenay in ay baneeyaan deeganka oo ka tirasan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO