XOG RASMI AH:- Waqtiga Rasmiga oo ay ka Baxayaan Ciidamada AMISOM Soomaaliya oo la shaaciyay

0

Ururka Midawga Afrika ayaa shaaciyay in Ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay la baxayaan marka la gaaro Bisha October ee Sanadda 2018 islamarkaana uu Qorshahaas soo afjarmi doono illaa 2020-ka.

Shir Madaxda Midawga Afrika ay ku yeesheen Magaalada Addis ababa ee Dalka Itoobiya 29-kii Bishii June ee aan ka soo gudubnay ayaa Arrintaan lagu go’aamiyay.

Midawga Afrika ayaa waxa Somaaliya ka jooga Ciidamo lagu qiyaasay 22 kun ,kuwaas oo ka kala socda Dalal badan oo Afrikaan ah,waxaana Ciidamada AMISOM ay Soomaaliya yimaadeen 2007-dii.

Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Uganda ay ku hanjabtay in Ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay la baxayaan Bisha Octobar ee 2017,iyadoo Dowladda Uganda ay tahay Dalka ugu badan ee Ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya,kuwaas oo gaaraya 6200 Askari.

Xigasho AFP