Taliyaha CXD: Waa in ay ka feejignaadaan ciidamada ficilada cadowga

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Max’ed Aadan Axmed, ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda iidul- Fitriga u diray dhamaan ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed iyo xaasaskooda.

Taliyaha oo ka hadlayay qalabka warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu wali halkiisii yahay, loogana baahan yahay ciidamadu inay saacad walba indhaha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Cadawga dalka, dadka iyo diinta.

Sareeye Gaas Max’ed Aaadan Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” waxaan farayaa dhammaan Ciidamada xoogga dalka inay ka feejignaadaan Argagaxisada arxanka daran ee ujeedkoodu yahay in ay sumacadda ka dilaan diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah ee aaminsan.

Dhanka kale taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu xusay weerarkii ay argagixisadu dhawaan ku qaadeen Masjidka Nabigeenna Muxamed NNKH,arinkaasi oo tilmaan cad u ah Cadawnimada kooxahaasi uhayaan islaamka.

Ugu dambayntii taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu u rajeeyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida in ay Ciidaan teeda kale ku gaaraan Nabad iyo horumar.