DHAGEYSO:- Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha gudaha oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay billaabeyso la xisaabtan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay Xiddig,in Hay’adaha Dowladda,kuwa maamul Goboleedyada iyo xitaa Dadka Soomaaliyeed ay Wasaaradda la xisaabtameyso,waxaaan uu intaa ku daray in howshani ay tahay mid ay leedahay Wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhanka kale Wasiir Xiddig,waxaa uu Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay la yimaadaan horumar iyo qorshe wax loogu qabanayo dadka deggan Muqdisho oo ay iyaga mas’uulka ka yihiin,waxaana uu raaciyay in Gobolka uu hoostago Wasaaradda arrimaha gudaha islamarkaana uu galayo la xisaabtanka ay billaabeyso Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-