DHAGEYSO:- Madaxweynaha Jubbaland “ Wadamada Shisheeye been ayay noo sheegayaan Al-Shabaab dalka kama saari karaan”..

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islam “ Axmed Madoobe” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada shisheeye eek u sugan Soomaaliya aysan Al-Shabaab ka saari Karin dalka.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada Dowlada la dhiso isla markaana ayaga lagu daayo in ay dalka ka saaraan Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan wanaagsaneyn in wax laga sii sugo gacmo shisheeye oo Al-Shabaab dalka ka saara.

Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in ay muhiim tahay in la dhiso Ciidanka Dowlada si loogu maarmo Ciidamada Shisheeye.

Hoos ka Dhageyso Codka:-