Dalka Tanzania oo laga mamnuucay cabista Shiishada

0

Dowladda Tanzania, ayaa waxay mamnuucday cabista Shiishada (Badeecadda), ka dib markii ay ogaatay in dadku ay ku daraan waxyaabaha maanka dooriya.

Ra’iisal Wasaaraha Tanzania, Kassim Majaliwa, ayaa ku dhawaaqay qaraarka ka dhanka ah cabista Shiishada, iyadoona muddo toddobaad ah la siiyay dadka ka ganacsada Shiishada amaba haysta maqaaxiyadaha lagu cabo.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa wuxuu amray in ganacsatadu ay albaabada isugu laabto meelaha lagu cabo Shiishada, isla-markaana ay haystaan toddobo cisho oo qura.

Shiishada waa nooc ka mid ah tubaakada, balse sida loo dhuuqo ayaa ka duwan sigaarka, iyadoo dadka isticmaala ay isu daraan qudaarta iyo tubaakada.

Sababaha Shiishada looga mamnuucay dalkaasi, ayaa waxaa lagu sheegay iyadoo ay reer Tanzania ku daraan waxyaabaha maanka dooriya, sida qamriga iyo xashiishka/xashiishadda, iyadoo xashiishku uu ka mamnuuc yahay dalkaasi.

Baaritaano ay dowladdu ku sameysay waxa ka jira in dadku ay daroogo u adeegsadaan kolka ay cabayaan Shiishada, ayaa soo dedejisay tallaabada dalkaasi looga mamnuucay cabista Shiishada.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa warbixin ay soo saartay sanadkii 2009-kii waxay ku sheegtay, in Shiishada oo muddo hal saac ihi la dhuuqo ay lamid tahay, iyadoo qofku uu cabay boqol xabo oo sigaar ah.

Inta badan dadka caba Shiishada, ayaan ku baraarugsanayn dhibaatada uu soo gaarsiin karo caafimaadkooda, haddii qiiqiisu uu gelaayo sambabada oo hawo siiya wadnaha.

Shiishad