DHAGEYSO:- Magaalada Muqdisho oo Maanta si weyn loogu dabaal dagayo

0

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn ugu dabaal dagaya Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa dad fara badan oo isugu Hambalyeynayaa Farxada Ciida.

Sidoo kale waxaa lagu arkaya goobaha ay dadka isugu yimaadaan sida Beerta Nabada, Dal;jirka Dahsoon iyo Xeebta in ay saa’id u buuxsameen oo ay ku sugan yihiin dadweyne aad u fara badan.