Xiisad Maanta ka taagan deegaanka Galcad

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab tiro dad ah ay ka afduubteen deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la afduubtay badankood ay yihiin odayaal dhaqameed.

Al-Shabaab ayaa la sheegaya in ay shalay ku dhawaad 5 qof ay ku dileen deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Wararka naga soo gaaraya Galcad ayaa sheegaya in dadka kunool halkaas ay soo wajahday cabsi aad u farabadan madaam ay jiraan dad badan oo taageeray ciidanka dowladda Soomaaliya markii ay la wareegeen deegaanka Galcad.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa iska baxay deegaanka Galcad,waxaana intaas ka dib gudaha u galay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.