Turkiga oo muddo lix sano kadib gargaar bani’aadanimo u diray Gaza

0

Dowladda Turkiga ayaa gar-gaarkii u horeeyay oo bani’aadanimo u dirtay magaalada Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta, lix sano kadib dhacdadii lagu dilay dad u dhashay Turkiga oo shixnad gar-gaar u waday dadka reer Gaza oo horay u go’doomisay dowladda Israel.

Markab siday shixnad gaareysa 11-kun oo tan raashin ah ayaa ku xirtay Dekeda Ashood ee Israel, waxaana tallaabadan ka dambeysay markii dowladaha Israel iyo Turkiga ay dib u soo celiyeen xiriirkooda.

Labada dal ayaa todobaadkii hore ku heshiiyay in dib loo soo nooleeyo xiriirka labada dal, waxayna wada saxiixdeen heshiis, waxaana heshiiska qeyb ka ahaa in Turkiga gargaar sama fal uu gaarsiiyo magaalada Gaza.

Sanadkii 2010 ayay aheyd markii Ciidamada Kumaandooska Israel ay dileen 10-ruux u dhashay Turkiga, kuwaasoo u ololeynaya sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa shacabka Falastiin ee ay go’doomisay Israel.