DHAGEYSO:- Xasan Sheekh “ Howsha ugu adag oo Dowlada hortaalla iminka waa isku dhafka Ciidanka Dowlada iyo la wareegitaanka amniga guud ee Soomaaliya”..

0

Madaxweynaha dowladda federalka Xasan Hheekh Max’uud oo xalay ka halayay xaalada guud ee dalka,  ayaa soo hadal qaaday qorshihii lagu doonayay isku dhafka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Dowladdiisu ay wado dadaalka loogu jiro isku dhafka ciidmaada xoogga dalka soomaaliyeed, inkasto ay jiraan  uu yiri caqabado, ka hor yimid qorshahaasi, balse waxa uu uu ka muujiyay madaxweynuhu yididiilo, madama buu yiri qorshahaasi ay ka soo baxeen guulo wax ku ool ah, oo dalka ka hanaqaaday.

Dhinaca kale waxa uu shegay madaxweyne xasan sheekh in, howlgalada ay sida wadajirka u samenayaan, ciidmada kala duwan ee amniga dalka, iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga soomaliya, ay guulo ka soo hoyeen, dagaalka ay kula jireen alshabab, isago tusaale u soo qatay, duqeymihii, Mareykanka uu ku bur buriyay saldhigyo Al-shabab ay kula hayeen qeybo ka mid ah dalka, kaas oo lagu dilay  hogamiyaaal, iyo dagaal yahano ka tirsan Xarakada aAl-shabaab.

Ugu danbeytii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federala Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa baaq u diray, xarakada alshabab oo waxa uu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka iyo qaraxyada ay dalka ku qal qalinayaa.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Dhallinyarada ku jirta Xarakada Al-shabaab in ay ku biiraan hannaanka Dowladdnimada Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-