DHAGEYSO:- Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo sheegay iney diyaariyeen Ciidamo Cusub oo la dagaalama Al-Shabaab

0

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo go’adoonka ka saara degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

Degmooyinkaasi ayaa waxaa Xanibay ururka Al-Shabaab oo jaray dhamaan wadooyinkii soo geli lahaa iyo kuwii ka bixi lahaa degmooyinkaasi ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka Wasaarada hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleesiyo beeleedka ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo dheeraad ah oo tababaro fiican qaatay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay hubiyeen ciidamada duulaanka qaadaya isla markaana ay u dhameystiran yihiin agabkii ay ku dagaal geli lahaayeen.

Shalay ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ay la wareegeen degmooyin ka tirsan gobolka Baay, kuwaasi oo horay ay ugu sugnaan jireen Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-