DAAWO SAWIRADA:- Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Xerada Kaakuma

0

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta booqday afarka xero ee ay deggan yihiin qqxootiga ku nool Kaakuma, isagoo wada hadal ku saabsan xaaladda qaxootiga Soomaalida ah la yeeshay masuuliyiinta gobolka Koofurta Turkaana iyo masuuliyiinta hay’adda UNHCR.

Masuuliyiinta UNHCR ayaa sheegay in 28 qof oo Soomaali ah ay si iskood ah ugu laabteen waddankooda ayaga oo ka faa’iideysanaya heshiiska 3 gesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya, UNHCR iyo dowladda Kenya. Sidoo kale 198 qof ayaa is qoray si ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Xerada qaxootiga ee Kaakuma waxaa ku nool56000 oo qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan dhallinyro. Suuqyo ganacsi ayay Soomaalidu ku leeyihiin xerada, ayadoo tiro badan ay dugsiyada aadaan. Horjoogayaasha qaxootiga oo la hadlay danjiraha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in ay helaan waxbarasho sare oo jaamacadeed, dhaqdhaqaaq u sahla in ay magaalooyinka tagaan iyo in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay soo booqdaan si ay u dareemaan in dad metela ay jiraan.

Danjiraha ayaa u sheegay dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryahaan in dalka Soomaaliya uu horumar badan sameeyay, isla markaana dadka doonaya in ay ku laabtaan la siinayo talooyinka iyo warbixinnada ay u baahan yihiin, marka ay go’aansadaan in ay laabtaana la taageeri doono.

Dhinaca jaamacadaha ayuu sheegay in dowladdu ay ka taageereyso dhallinyarada dugsiyada sare dhameeyay, kuwaas oo minxo wxbarasho looga heli doono dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Danjiraha ayaa booqday dugsiga hoose ee Muqdisho oo ay wax ka bartaan in ka badan kun arday oo Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu 100 kartoon oo timir ah ku wareejiyay horjoogayaasha qaxootiga si ay afur uga dhigtaan maalmaha ka dhimman Soonka.

Xerada Kaakuma waxaa ku nool 191 kun oo qof, kuwaas oo ka kala yimid 14 waddan. Dadku ugu badan waa kuwa ka yimid Koofurta Suudaan, halka kaalinta labaad ay ku jiraan Soomaalidu. 22 dugsi hoose ayaa ku yaalla xerada , halka dugsiyada sare ay yihiin 5 kaliya.

Xigasho Wakaalada SONNA

Hoos ka Daawo Sawirada:-

IMG_1126 IMG_1144-640x427 IMG_1210-640x427 IMG_1233-640x427 IMG_1260-640x427 IMG_1394-640x427 IMG_1412-640x427 IMG_1426-640x427 IMG_1459-640x427 IMG_1556-640x427 IMG_1562-640x427 IMG_1616-640x427 IMG_1626-640x427 IMG_1666 IMG_1770-640x427