XOG RASMI AH:- Maxaa ka Cusub Kulamada Madaxweyne Cabdi Weli Gaas iyo Waxgaradka Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa weli magaalada Gaalkacyo kulamo kula leh qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta badan waxa uu kala hadlaaya madaxda gobolka Mudug iyo sidoo kale Shacabka magaalada Gaalkacyo sugitaanka amniga magaalada oo faraha ka baxay.

Shacabka kunool Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ku eedeeyay madaxda maamulka Puntland in ay ka gaabiyeen sugitaanka amniga Waqooyiga Gaalkacyo.

Sida aan kasoo xiganay madax ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland waxaa sidoo kale lagu wadaa in isbedal lagu sameeyo Maamulka gobolka Mudug oo ay ugu horeeyaan laamaha amniga gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu dilay bilihii la soo dhaafay madax ka tirsan maamulka Puntland iyo sidoo kale dad muhiim u ahaa bulshada kunool magaalada Gaalkacyo.