WAR DEG DEG:- Al-shabaab oo Guddoomiye u Magacowday Gobolada Jubbooyinka

0

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa Gobolada Jubbooyinka u Magacaabay inuu Guddoomiye ka noqdo Sheekh Maxamad Abu Cabdalla oo horay u soo noqday Guddoomiyihii Shabaab ugu Magacownaa Gobolka Shabellaha Hoose,balse bilo ka hor Xilkaasi laga Xayuubiyay.

Shabaabka ayaa Xilka ka Xayuubiyay Guddoomiyihii ugu Magacownaa Gobolada Jubbooyinka oo lagu Magacaabi jiray  Xudeyfi Cabdirixmaan

Inkastoo aan la ogeyn Sababta Xilka looga qaaday Xudyfa islamarkaana loogu badalay  Maxamad Abu Cabdalla ayaa waxaa jirta Warar sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhex galay Madaxda Al-shabaab iyo Guddoomiyaha ay Xilka ka qaadeen ee Jubbooyinka ugu Magacownaa.