TOP+SAWIRRO:- Madaxweyne Gaas oo Kormeer Lug ah ku soo maray Suuqyada iyo goobaha muhiimka ah ee Gaalkacyo

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 4-July-2016 kormeer indho indhayn ah kusoo maray dhammaan xarumihii ay dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacyo  oo ay ka mid ahaayeen dhismaha Madaxtooyada Cusub, Dhismaha Suuqqa Cusub ee Xero dayax, dhismaha Bangiga, dhismayaasha Wasaaradaha Hawlaha Guud, Maaliyadda, iyo Kalluumaysiga, dhismaha xarunta hay’adda waddooyinka, dhismaha Maktabadda (Library)  iyo saldhigga bartamaha ee magaalada Gaalkacyo.

Kormeerka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey xubnaha guddiga soocelinta bilicda magaalada Gaalkacyo iyo maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo oo warbixino ka siinayey Madaxweynaha natiijadii kasoo baxday tallaabadii ay dawladdu qaaday oo hantida dawladda ee gacmaha shacbka gashay dib loogu soo celinayey gacanta dawladda.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhexgalay oo qof-qof u waraystay ganacsatadii ku ganacsanaysey suuqqa cusub ee dawladdu ay ka dhistay Xero Dayax, waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu dhex-galay ganacsatada khudaarta ku  iibiya suuqqa xero dayax waxaana uu ka waraystay is beddelka ku yimi suuqqa xilligii hore iyo hadda oo ay dawladdu u dhistay suuq aad u ballaaran.

Dhammaan dadweynihii ku sugnaa suuqqa xero dayax ayaa siweyn usoo dhoweeyey Madaxweyanaha waxaanay uga mahadceliyeen tallaabooyinka ay dawladda u qaaday soo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo oo laga dhaxlay horumarro aad u ballaaran oo ay ugu horrayso koboca dhaqaalahu.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa amray in la dar-dargeliyo dhammaystirka  dhammaan dhismayaasha qabyada ah muddo kooban gudeheed si bulshada loogu adeego xarumahaasi.

1 2 3 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 222 333 1111