TOP NEWS: Bari Waa Soon, Maalinta Arbacada Ahna Waa Ciid.

0

Maxkamadda sare ee dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in la dhameystirayo bisha barakeysan ee Ramadaan, maadaama aanay jirin meel laga arkay bisha Shawaal.

Go’aanka Maxkamadda sare ayaa ka dambeeyay markii Guddi ay u saartay bilashada bisha Shawaal, iyadoo meelo kala duwan oo Caalamka aan laga soo sheegin in laga arkay bisha Shawaal.

Inta badan dalalka Muslimiinta ayaa sheegay in maalinta berri oo Talaado ah ay tahay maalinta 30aad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale maalinta Arbacada ayaa ah maalin Ciid ah oo aanay wax shaki ah ku jirin, waxaana durbaba dadka Muslimiinta ay bilaabeen inay isugu tahniyadeeyaan Ciida.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyana sheegtay in maalinta berri oo Talaado ah la dhameystirayo bisha Ramadaan, isla markaana maalinta Arbacada ay tahay maalin ciid ah.

Labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa ka socday magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka u diyaar garowga Ciida.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media