TOOS U DHAGEYSO:- Galmudug oo Xabsiyada ka siideysay illaa 30 Maxbuus

0

Shir Jiraa’id oo uu ku qabtay Caasimadda KMG ah ee Galmudug Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayuu uga hadlay Arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay waxii u qabsoomay Xukumadda Galmudug markii Madaxdeeda Afartii Bishii June ee Sanadkii hore lagu doortay Magaalada Cadaado.

Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne Kuxikeenka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay Xabsiyada ka siideysay ku dhawaad 30 Maxbuus oo ku xiran Degaanada Galmudug kuwaas oo kala Dambiyo Fud dudud islamarkaana loogu talo galay in ay Ehelkooda la Ciidaan oo ay Farxadda Ciidda la wadaagaan.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen Galmudug Mudadii la doortay Madaxdeeda Bishii June ee Sanadkii 2015.

HALKAAN KA DHAGEYSO