Qarax Ismiidaamin oo lagu weeraray Xarunta Diblumaasiyiinta Mareykanka ee Magaalada Jeddah

0

Ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa la soo wariyay in saaka oo Isniin ah weerar Ismiidaamin ah uu ku qaaday Xarunta Diblumaasiyiinta Mareykanka ee ku taal Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Sacuudiga Ninkaan ayaa ku qarxay meel ku dhaw Xarunta Diblumaasiyiinta Mareykanka, kadib markii ay rasaas ku fureen ilaalada Xarunta.

Wasiirka ayaa sheegay in goobta uu ku geeriyooday ninkii qaraxa Ismiidaaminta fuliyay, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo ruux oo ka mid ah ilaalada Xarunta.

Saraakiisha Xarunta Diblumaasiyiinta Mareykanka ee Magaalada Jeddah ayaa sheegay inay badqabaan Shaqaalaha Xaruntaasi iyo Muwaadiniintii ku jirtay xilligaasi.

War ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay inuu dhaacay weerarkaasi, ayna ku dhaawacmeen labo ka mid ah ilaalada Xarunta.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaan Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Xarunta Diblumaasiyiinta Mareykanka ee Magaalada Jeddah.

Booliska ayaa sheegaya inay wadaan baaritaanka ku aadan cida weerarkaan soo abaabushay iyo halka laga soo abaabulay.