NUSOJ oo cambaaraysay Wasiirka Warfaafinta Puntland iyo Cumar Faaruuq

0

Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa soo saaray War Saxaafadeed ay kaga cabanayaan Shir ka socda Waqooyiga Gaalkacayo, oo lagu dooranayo garab kale oo Ururka NUSOJ ah.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim Macalimuu oo ku saxiixnaa War Saxaafadeedkaasi ayaa sheegay inay ka argagaxeen Tallaabooyinka Caburinta ee uu Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soo-cadde ku baqdin gelinayo Suxufiyiinta ka hawlgala Puntland.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inuu Wasiir Soo-cadde sheegay inuu Suxufiyiinta ku cabsi gelinayo inuu xabbad ku dili doono.

War Saxaafadeedka waxaa kaloo lagu muujiyey inuu Wasiirkaas faragelin ku hayo Hoggaanka NUSOJ, isla markaana uu bilaabay inuu Shir ka dhan ah Hoggaanka NUSOJ ka furo Waqooyiga Gaalkacayo, iyadoo tallaabadaasi tahay mid xad-gudub ku ah Xorriyatul-qoolka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soo-cadde waxaa kaloo lagu eedeeyey inuu u adeegsanayo Xoghayihii Guud ee hore ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan sidii loo dhisi lahaa Garab kale oo NUSOJ ah.

War Saxaafadeedka waxaa kaloo lagu shegay inuu Wasiirka Warfaafinta Puntland u adeegsanayo Shirka Gaalkacayo si uu ugu caburiyo Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Madaxa Bannaan ee ka hawlgasha Puntland.

“Waxa ka socda Gaalkacayo, Puntlandd waa weerar ka dhan ah Xorriyadda Hadalka.Lama oggolaan karo, waana arbushaad toos ah oo lagu carqaladynayo Dastuurka Qaranka, Dastuurka Puntland iyo Qoddobka 19 (Article 19) ee Qaraarka Caalamiga ee Xuquuqda Caalamiga” ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Maxamed Ibraahim Macalimu.

Dhinaca kale, War Saxaafadeedka NUSOJ waxaa lagu cambaareeyey tallaabadda ay Maamulka Puntland bishii la soo dhaafay ee June 23-dii ku xireen Xarumaha Idaacadda Radio Daljir ee ku kala yaalla magaallooyinka Bosaaso iyo Garowe.

Xigasho: NUSOJ