Dowlada Imaaraadka oo u yeertay Dibolomaasi Mareykan ah

0

Wasaaradda Arrimaha dibada ee Xukuumadda Imaaraadka Carabta ayaa u yeertay ku xigeenka Safiirka Mareykanka ee Abu-Dhabi u fadhiya, waxayna u gudbisay ishtako ka dhan qaabkii Boliska Maraykana Gobolka Ohio ay ula dhaqmeen mid ka mid ah muwaadiniinta Imaaraadka oo xirnaa dharka Qamiiska cad oo dalkaasi hiddaha u leeyahay.

Wasaaraddu, waaxa ay dibolomaasigaasi ka tirsan Safaaradda Mareykanka,u sheegtay  inay aad ugu xuntahay falkii Booliska Maraeykanka ay ku sameeyeen muwaadinkaasi ka soo jeeda Imaaraadka.

Ku xigeenka Safiirka Mareykanka ayaa cudur daar ka bixiyay dhacdadaasi, isagoo sheegay inay safaaraddu arrintaasi kala xirii doonto maamulka Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa hore uga digtay shacabkeeda ragga ah in Qamiiska iyo Cimaamada oo ah labiska dhaqanka ee dadkaasi – aanay ku xiran marka ay joogaan dibedda dalkooda.

Digniinta ayaa timid ka dib markii nin ganacsade 41 jir ah oo Imaaraadka u dhashay, isla markaana dharkaasi ku labisnaa, ay xireen booliska gobolka Ohio ee Maraykanka.

Ganacsadaha oo lagu magaacabo, Axmed al Menhali, ayaa waxaa dacweeyay qof shaqaale ka ah huteelka uu degnaa, kaasoo booliska u sheegay in ninka uu ka tirsan yahay urur argagixiso ah.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Imaaraadka ayaa sidoo kale uga digtay haweenka in aanay indha-shareer ku xiran dalalka Yurub ee uu mamnuuca ka yahay.