Damaca Shabaab iyo Dil Wadareedka Bulshada?

0

Kooxda Al-shabaab oo ku abtirsata Al-qaacid,ayaa Bilihii lasoo dhaafay kordhiyay Weerarada ay sida tooska ah ugu beegsanayaan Goobaha Dadwaynaha,sida Wadooyinka mashquulka ah,Hoteelada,Maqaayadaha iyo Xarumaha ganacsiga,taas oo uu waxyeelo baahsan oo isugu jirta Dhimasho Dhaawac,Burbur hanitiyeed iyo walwal joogta ah ku reebtay Shacabka Soomaaliyeed.

Weerarada Kooxda ayaa u muuqada in markasta oo ay sii daciifto awoodda Milatary ee Kooxdu, ay gaysanayso falal ka xun kuwii hore, taas uu u muuqata in markasta oo ay dareemaan Xanuun ay kaga aar-gudanayaan Bulshada Soomaaliyeed, iyagoo gaysanaya Ficillo naxariisdarro ah, kuwaas oo si aan kala sooc lahayn ugu gumaadayaan Shacab aan waxba galabsan.

Hadaba waxaa iswaydiintu tahay maxeey uga gol-leeyihiin Al-shabaab Ciqaab-wadareedka ay ku hayaan Dadwaynaha?

Maxamed Al-Ansaari oo horay ugu tirsanaa Alshabaab, hase ahaatee isaga tagay Kooxdaas 2010-kii,  ayaa u arka in Kooxdu ay aaminsantahay Qofkasta oo aan ka tirsanayn in uusan Muslim ahayn,sidaas darteedna ay ku banaysteen Dhiiga Shacabka,  Muhiimadooduna tahay in ay gaystaan fal Xanuun ku reeba Shacabka si ay u cabsi galiyaan”sida runta ah Shabaab uma kala soocna Soomaali Qofkastana Dil ayuu ugu xukumanyahay waana taas sababta ay ugeeysanayaan Xasuuqa Shacabka” ayuu yiri Alansaari.

Qubarada Amaanka ayaa rumaysan in Weeraradii ugu danbayeeyay ay muujinayaan sida aanay Kooxdu waxba ula haraynin, iyagoo ku tilmaamay ficiladoodu in ay yihiin aargoosi,waxaana tusaale looga dhigikaraa in markasta oo ladilo Horjooyaasha Kooxda ee Muhiimka ah u ah, ay Maalmaha Xiga fuliyaan falal Argagaixiso oo Dadban ay ku galaaftaan sida weerarkii Ambassador Hotel oo ay fuliyeen Maalmo laqaarijiyay Horjooyaal halis ahaa, ka dibna ay Gaari ku qarxiyeen Wadada Mashquulka badan ee Makka Almukarama,iyagoo kusoo beegay Sacaado ay Dadwaynuhu kasoo rawaxayeen Shaqada oo Shacab fara badan ay Wadada marayeen,Weerarkii Lido oo ah goob ay u nasasho tagaan Dadwaynaha,kuna abaaray mid ka mid ah Maalmaha ay ugu badanyihiin Shacabka caadiga ah.

Kooxda oo isku tilmaama in ay udagaalamayaan Islaamka,ayaa Culumadu ku sifeeyeen in dhaqamadoodu ay yihiin kuwo aad uga fog Dhaqanka Islaamka,waxaana ay Culamadu aaminsantahay in  ay duminayaan Islaamka iyagoo isticmaalaya Magaca Muslimiinta,sida uu qabo Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah afhayeenka Hay’adda Culumada Soomaaliyeed,Sheikhu wuxuu intaa raaciyay in Islaamku uu u taaganyahay Amni iyo wada noolaasho uusanna ogolayn Fawdo.

Marka la eego aragtida ay aaminsanyihiin Horjoogayaasha Shabaab,isla markaana laga arkikaro dhaqamadooda,majiro Mustaqbal ay ku sugayaan Shacabka Soomaaliyeed Dagaalka Shabaab oo aan ahayn Dhimasho, sidaas waxaa SONNA usheegtay Maryan Cali oo ah 25 jir Arday Jaamacadeed ah oo ku nool Muqdisho”waxeey leeyihiin Dagaalka waan wadaynaa ilaa aan Aduunka oo dhan qabsano taas macquul maaha,marka waligeen dagaal miyaan ku jiraynaa,wax kale kama sugayno Shabaab’ ayuu si Murugo ku jito ugu cabatay Maryan.

Soomaaliya oo muddo ku dhaw Sodon Sano ay halakeeyeen Dagaalo wajiyo badan, ayaa 15-kii Sano ee ugu danbaysay lahayd Dawlado isbadbadalayay kuwaas oo lahalgamay in ay dib usoo dhisaan Dalka oo dhinackasta ka burburay,hase ahaatee Shabaab ayaa ah caqabadda kaliya ee xiligaan hortaagaan in ay Shacabka Soomaaliyeed soo afjareen Fawdada kuna badalaan Mustaqbal dagan iyo Burwaaqo,maadaama ay ka heshiiyeen Soomaalidu Nidaamka Siyaasadda oo sal dhig u ahaa Khilaafaadka ragaadiyay Dalka,Dawladda Soomaliya oo gacan ka helaysa Caalamka ayaana ku guulaystay in ay si xawli ah hoos ugu dhigto Awoodda Kooxda oo hadda kusoo uruurtay Weeraro ay ku beegsanayso Shacabka si ay u cabsi galiso ugana hayso daganaasho la’aan si ay ugu dhexnoolaadaan Horjoogayaasheeda oo ka cabsi qaba in cadaaladda la horgeeyo haddii Dalku hagaago.

W/D:-C/raxmaan Yuusuf Sheakh Al-cadaala